Xaaladda caafimaad ee Trump “oo wanaagsan” inkastoo uu aad u cayilan yahay

113

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa cayilay tan iyo markii u dambaysay ee la baaray, balse “xaaladdiisa caafimaad ayaa aad u wanaagsan” sida uu sheegay dakhtarkiisa rasmiga ah.

Trump ayaa qaadanayay xaddi badan oo dawo ah si uu u dhimo dufanka jirkiisa ku jira, sida qoraal lagu sheegay.

Culayska Trump ayaa ahaa 243lb (110kg) markii toddobaadkii hore la cabiray, wuxuuna ka sarre maray culayskiisii sannadkii hore oo ahaa 239lb.

Dhakhaatiirta kale ayaa sheegay in halbeega jidhka (BMI) ee Trump uu galay 30 waxaana loo arkaa in cayilkaasi uu yahay mid xad dhaaf ah.

“Waxaa iga go’an in caafimaadka madaxweynuhu uu sidiisa u sii wanaagsanaado,” ayuu yiri Dr Conley sida lagu sheegay war qoraal ah oo kooban oo uu baahiyay Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ka dib markii baaritaan lagu sameeyay 72 jirkan.

Warkan ayaa la baahiyay daqiiqado uun ka dib marki masuuliyiintu ay ku dhawaaqeen in Trump uu ku dhawaaqi doono “xaalad qaran oo degdeg ah” oo ku saabsan xadka Maraykanka iyo Mexico, arrintaas oo uu ku doonayo sidii uu dhaqaale ugu heli lahaa darbiga uu rabo in uu xadka ka dhiso.

Madaxweyne Trump oo qabana nooc iska caadi ah oo ka mid ah xanuunnada wadnaha ayaa horay loo waydiistay in uu lumiyo ugu yaraan10Ib.

Madaxweynaha Maraykanka oo wakhti dheer su’aal la galinayay caafimaadkiisa ayaa la sheegay in uu ka helo cuntooyinka afka qalaad lagu dhaho fast food sida rootiga hilibyada kala duwan iyo khudaarta la dhex galiyo, jibsiga ama baradhada shiilan iyo waxyaabaha la halmaala iyo cabitaannada sodhaha la isku dhaho sida kookada iyo faantada.

Wuxuu caan ku yahay in uusan cabin khamrida, wuxuuna sheegay in uusan waligii cabin. Sidoo kale sigaarka ma cabbo.

Markii uu ol’olaha doorashada ku jiray, wuxuu soo bandhigay waraaq uu ku sheegay in uu noqon doono madaxweynihii ugu caafimaad wanaagsanaa ee abid laga doorto Maraykanka”, balse dhakhtarkii magaciisa lagu xusay warqadaa ayaa