BIGNEWS: Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya Oo Madaxda Dalka Fadeexeeyey & Sir Ay Bixiyeen

207

Ciidamada Qalabka Sida Ee Soomaaliya ayaa waxaa ay wajahayaan culeys kaga yimid dhinaca Dawlada Federaalka Soomaaliya Madaxdeeda.

Ciidamada Meliteriga,Nabad sugida,Asluubta iyo Booliska ayaana seddexdii Bilood ee lasoo dhaafay qaadan wax mushaar ah.

Bilaha December,Janaayo iyo Febraayo oo hadda socota waxay sheegeen Askar la wareystay inaysan Mushaarkoodii helin taasna ay ceeb ku tahay Saraakiisha Ciidanka Hogaamisa.

Tan iyo markii la badelay qaabkii loo bixin jiray Mushaarka hadana waxaa soo kordhay Culeys weyn oo ku aadan Lacagaha Akoonada lagu dhiibayo.

Askari Ka mid ah Xoogga Dalka oo furin dagaal aag kaga jiro Degmada Mahadaay Duleedkeeda ayaa codkiisa la baahiyey isagoo shaaca ka dhigay inaysan heysan Mushaarkii ay xaqa ulahaayeen.

Sidaas oo kale Askari katirsan Nabad sugida Soomaaliya ayaa sheegay in 80 Dollar Qoyskiisii Guri kiro ay degganaayeen looga saaray markii la bixin waayey,Xaaskiisana ay Xaamilo tahay mushaarkiisiina uu waayey.

Dhowr jeer waxay Dawlada Federaalka Madaxdeeda ay ku cel celiyeen inaysan marnaba Mushaarkooda udiidi weynin Ciidanka maadaama ay yihiin kuwa Dalka difaacooda dhiigooda uhuray.