C/raxmaan C/shakuur oo Garab istaagay Farmaajo iyo Fariin uu u diray Kenya (WARSAXAAFADEED)

170

Daljire.com-Xisbiga Wadajir oo ka mid ah Xisbiyada siyaasadeed ee dalka ayaa war saxaafadeed ka soo saaray khilaafka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo Xisbiga uu taageeray mowqifka dowladda Soomaaliya ka qaadatay khilaafka.

Xisbiga ayaa sheegay inuu ku garab taagan yahay dowladda Soomaaliya ilaalinta wadajirka, midnimada xuduudaha dhulka iyo madax banaanida Qaranka Soomaaliya, waxaana Xisbiga taageersan yahay xaqnimada dacwada ay dowladda Soomaaliya u gudbisay Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.

Sidoo kale Xisbiga ayaa ugu baaqay dowladda Kenya ilaalinta deris wanaaga, adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed iyo xoojinta iskaashiga labada dal.

Daljire.com

Caligaab34@gmail.com