XOG: Kenya Oo Af Libaax Ku Rideysa Dawlada Soomaaliya,Farmaajo Oo Diiday Inuu Kenyatta La Kulmo

269

Sida aan xog ku helnay Xalay ilaa shalay waxaa Villa Soomaaliya soo gaaray Dhambaal ka imaanayey Madaxtooyada Waddanka Kenya si loo wada hadal siiyo Labada Madaxweyne.

Xilligaasi ma jirin Jawaab Ay Dawlada Dhexe kasoo saartay Arinta Dawlada Kenya Ee Diblomaasiyada Xumaatay.

Uhuru Kenyatta ayaa hadda isku dayaya in Kulan gaar ah uu dhexmaro Madaxweyne Farmaajo,balse Madaxtooyada Soomaaliya ayaa ka fiirsaneysa kulankaasi.

Taleefoonka in lagu wada hadal siiyo ayaa la rabay Labada Hogaamiye Balse Farmaajo lataliyeyaashiisa ayaa la war geliyey in madaxweyne Farmaajo uusan wax taleefoon ah loo keenin.

Sabtidii ayey Dawlada Kenya waxay La baxday Safiirkii ujoogay Muqdisho Lucas Tumbo iyadoo Dalkeeda kasoo saartay Danjirihii Somaaliya Ee Nairobi Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan).

Dalka Kenya ayaa waxa uu Deris la yahay Soomaaliya,Ganacsi iyo Arimo Badan ayaana ka dhaxeeya,sinaba uma kala haraan sida la rumeysan yahay,hadii la kala rarto.