(DEG DEG)_Ganacsatada Soomaaliyeed oo joojiyey qaadkii ay ka keeni jireen Kenya

147

Qaar ka mid ah Ganacsatada qaadka keena dalka oo Warbaahinta kula hadlyay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde Muqdisho ayaa garab istaag waxa ay u muujiyen dowladda Federaalka Soomaaliya oo khilaaf soo kala dhexgalay dowladda Kenya.

Guddoomiyaha qaadleyda Soomaaliyeed Qooje Maxamuud Qayliye ayaa sheegay inay ka maarmaan ka Ganacsiga qaadka miirowga ee laga keeno dalka Kenya,isla markaana ay heleen qaad ka wanaagsan oo ka yimaada dalalka deriska sida Itoobiya.

Waxaa uu sheegay in sababta ay u joojiyeen qaadkii laga keeni jiray Kenya ay tahay khilaafka cusub ee soo kala dhex galay Soomaaliya iyo Kenya iyo hadal shalay ka soo baxay Ganacsatada qaadka dalka Kenya.

Shalay ayaa afhayen u hadlay Ganacsatada qaadka dalka Kenya waxa uu ku hanjabay inay joojin doonaan qaadka ay u soo iibgeeyaan Soomaaliya hadii aan xal laga gaarin khilaafka u dhaxeeya labada dowladood ee Soomaaliya iyo Kenya.