SIR CULUS: Madaxweynaha Soomaaliland Oo Berri Usocda Adis Ababa & Abiy Ahmed Oo Fariin Soo Diray

120

Madaxweynaha Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Ayaa waxa uu berri Oo Arbaco ah kuwajahan yahay Magaalada Adis Ababa Ee Caasimada Dalka Itoobiya.

Safarkaas ayaa looga hadlayaa sida la sheegay xiriirka xumaaday Ee Soomaaliland iyo Itoobiya tan iyo markii isbadelka Maamul uu Dalka Itoobiya ka dhacay.

Muuse Biixi waxa uu safarkaan unoqon doonaa markii ugu horeysay oo Adis ababa tegayo tan iyo markii la doortay hogaaminta soomaaliland.

Madaxweyne Biixi iyo R/wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali ayaa la filayaa in kulamo gaar gaar ah yeeshaan,sida ay ilo diblomaasiyadeed inoo sheegeen.

Itoobiya Xukuumada ka jirta ayaa siyaasad ahaan ula dhacsaneyd Dawlada Federaalka Soomaaliya,waana mid cunuqabateyn culus oo dhinaca Siyaasada Ay Soomaaliland la kulantay.

Warqad Casuumaad ah ayuu Abiy Ahmed Udiray Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Wafdi Wasiiro iyo Xildhibaano ah ayaa ka qeyb noqonaya Safarka Madaxweyne Biixi Berri ku tegayo Magaalada Adis Ababa