XAQIIQ; Xasan Sheekh Maxamuud Oo Bahdilay Siyaasada Farmaajo & Eedeyn Culus Uu Jeediyey

190

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud Ayaa Waxa uu ka hadlay Dagaalka Qaawan ay Dawlada Hadda jirta ku heyso Saxaafada iyo Siyaasiyiinta.

Xasan Sheekh waxa uu sheegay in Caburin xoog leh lagu sameeyey Bulshada Soomaaliyeed taasna laga fiicnaa in Madaxda Dawlada ay sameeyaan.

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Hadana ah Xildhibaan katirsan Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa waxa uu sheegay in dhowr mar ay kala hadleen Madaxda Dalka inay joojiyaan Caburinta ay sameeyaan.

Si gaar ah Saxafiyiinta la caburinayo iyo Siyaasiyiinta Afkaartooda laga hor istaagay Xoriyada Hadalkooda ayuuna sheegay in ay ka liidato ixtiraamka laga mudnaa Dawlada Hadda jirta.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Labadii Sano Ee Udambeysay ay Dawlada sameeneysay taas oo cabasho badan ka timid.