DEG DEG: Farmaajo Oo Ka Baaqday Safarkii Adis Ababa,Isbadel Deg Deg Ah Oo Dhacay & Xog Culus

327

Wafdiga uu hogaaminayey Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la sheegay inuu ka baaqday Safarkii uu ku tegi lahaa Magaalada Adis Ababa Ee Caasimada Dalka Itoobiya.

Adis Ababa waxa uu kulan ku dhexmari lahaa Madaxweyne Farmaajo iyo Hogaamiyaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi.

Ilo wareed lagu kalsoon yahay oo katirsan Villa Soomaaliya ayaa Xaqiijiyey inuu Madaxweyne Farmaajo uu ka baaqsaday Socdaal uu ku tegi lahaa Adis ababa.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu ogolaaday markii hore inuu Adis Ababa Kula kulmo Muuse Biixi balse Caqabado dhacay ka hor kulanka ayuu ka qaatay go’aan ah inuu Muqdisho iskaga soo laabto.

Lama xaqiijin sababaha rasmiga ah ee qodobada saldhiga u ahaa Kulankaasi uu Adis ababa kaga baaqsaday Farmaajo xilli Muuse Biixi uu duhurnimadii maanta xaadiray Magaaladaasi uu Abiy Ahmed Ku Casuumay.