Daawo Sawiradda: Hub u socday Al shabaab oo Gacanta u galay Nabad sugida Galmudug

189

Taliska Ciidamada Nabad Suggida Galmudug ee fadhigooda uu yahay Magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud, ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen hub la sheegay in Shabaab loo waday.

Hubkaan ayaa waxaa lagu qabtay Koontaroolka Ciidamada ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Dhuusamareeb, halkaasi oo si adag gaadiidka loogu baaro.

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen hubkan in lagu qabtay gaari Homy ah oo ka yimid dhanka Gobolka Bari una socday deegaano ka tirsan Gobolka Hiiraan.

Waxa kale oo ay sheegeen Saraakiisha Galmudug inay baaris ku sameyn doonaan hubkaan oo rasaas iyo booshash isugu jira, kadibna Saxaafadda ay la wadaagi doonaan.