XOG: Farmaajo & Kheyre oo la kala Saftay Wasiir Cawad & Wasiiru Dowlaha A/Dibada oo isku dhegan

274

Loolan u dhaxeeya wasiirka arrimaha dibeddda Soomaaliya iyo wasiiru dowlaha ayaa ka dhex socda xarunta wasaaradda.

Loolankan u dhaxeeya Axmed Ciise Cawad iyo Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr, ayaa salka ku haya magacaabista shaqaalaha wasaaradda arrimaha dibedda iyo diblomaasiyiinta Soomaaliya ee ka howl-galaya safaaradaha Soomaaliya ee dunida.

Wasiirka arrimaha dibedda, Axmed Ciise Cawad ayaa la sheegay inuu ka carrooday xilal dhowr ah oo shaqaalaha wasaaradda ah iyo diblomaasiyiin sida qunsul iyo xigahayayaal safaaradeed oo Khayr uu magacaabay, isaga oo aan la socodsiin wasiirka.

Cawad ayaa kadib soo saaray warqad aan helnay oo ku saxiixan 3-da Febraayo, oo uu ku amrayo inaan la magacaabin karin xil ama la qorin karin shaqaale, islamarkaana awooddaas uu isaga kaliya leeyahay.

Warqadda Cawad ayaa loo diray wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo guddiga rayidka ah ee shaqaalaha, waxaana la ogeysiiyey wasiiru dowlaha iyo safaaradaha Soomaaliya ee caalamka.

Xog kale ayaa sheegeysa in arrintan aysan ka marneyn xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha. Cawad ayaad aad ugu dhow madaxweynaha, halka Cabdulqaadir Sheekh Axmed Khayr uu ku xiran yahay ra’iisul wasaare Kheyre.

Hoos ka arag warqadda kasoo baxday Cawad