Faah Faahin Soomali lugu dilay Dhacna loogu geystay Dal Kuyaal Qaarada africa (akhriso)

134

Xalay ayaa markale Burcad Koonfur Afrikaan ah waxaa Ganacsato Soomaali ah ay dil iyo dhaawac ugu geysteen deegano ka tirsan dalkaas,iyaga oo intaasi kadib goobta ka baxsaday.

Wararka aan ka heleyno dalkaas ayaa waxa ay sheegayaan in Burcad Koonfur Afrikaan ah ay weerareen Goob Ganacsi oo Soomaali leedahay oo ku taalla Deegaanka Foslors oo ka tirsan Magalada Johannesburg,waxana ay dileen Muwaadin Soomaaliyeed halka laba kale ay dhaawaceen.

Sidoo kale wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in dagaal kooban uu dhexmaray Ganacsatada Soomaalida ah iyo Kooxda Burcada,waxana mid ka mid ah Ganacsatada uu Daljire.com u sheegay in mid ka mid ah Kooxdii Burcada aheyd halkaasi lagu dilay.

72 Saacadood Gudahood ayaa dalka Koonfur Afrika waxaa lagu dilay 5 Dhalinyaro Soomaali ah halka tiro intaasi ka badan lagu dhaawacay,waxaana habeen ka hor ay aheyd markii degmada Mamelodi oo hoos timaada Magaalada Pretoria Ee Dalkaasi Koonfur afrika lagu dilay laba ka mid ah Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku Ganacsada dalkaas.

Dalka Koonfur Afrika ayaa waxaa uu noqday mid habeen iyo maalin si bareer ah Soomaalida loogu dilo,waxaana weli jirin in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka hadashay dilalkaas Koonfur Afrika loogu  geysanayo Ganacsatada Soomaliyeed.

Daljire.com

Caligaab34@gmail.com