DAAWO; Xaaf Oo Afka Furtay “Waxba Nagama Qaadayaan Farmaajo & Kheyre Waana Iska Difaaaceynaa!!

218

Daljire.com-Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Ducaale Xaaf ayaa waxa uu ka hadlay Dagaalka Qaawan ay ku hayaan Dawlada Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu weerar ku qaaday Siyaasada guracan uu kula dhaqmay Madaxweyne Farmaajo,isagoo sheegay in ay Fahad Yaasiin oo Nabad Sugida Soomaaliya Kuxigeenka Maamulka Hay’adaasi ahna uu isna dhaleeceeyey.

Axmed Ducaale Xaaf waxa uu sheegay cunuqabateynta iyo Dagaalka lagu Hayo Galmudug aysan waxba udhimi doonin sidaa awgeedna ay ka gaashaaman yihiin dagaalka lagu hayo.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin in la duleysto oo ay la kulmaan caqabado waa weyn sidaa ay tahayna ay is difaacayaan.

Mar uu soo hadal qaaday Safarkiisii Nairobi iyo Hay’adihii uu lasoo kulmay ayuu sheegay Madaxweyne Xaaf inay inta badan ballan qaadyo ka heleen Madaxda Hay’adaha ay shireen.

Madaxweynaha Galmudug ayaa dib ugu laabtay Maanta Gaalkacyo isagoo sheegay in Dekada Hobyo sida ugu dhakhsiyaha Badan loo furi doono oo Kaabayaasha Dhaqaale ay ka caawin doonto Deegaanada Galmudug.

Daljire.com-Xafiiska Galmudug

Caligaab34@gmail.com