Wasiir Maareeye oo Muqdisho ka furay Shir muhiim ah

113

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa maanta furay kulan looga hadlayo u Sahlida Ganacsatada wax dhoofisa ama wax soo dejisa (Import/Export) howlahooda Ganacsi.

Kulankaan oo ay ka qaybgelayaan Wasaaradaha Ganacsiga, Maaliyadda, Dekedaha, Rugta Ganacsiga, Ganacsatada wax dhoofisa ama soo dejisa iyo Qubaro ka socota Bangiga Aduunka ayaa diiradda lagu saari doonaa sidda ugu haboon ee wax dhoofinta.

Wasiirka oo shirka Khudbad ka jeediyay, waxaa uu sheegay in sare loo qaadi doono kaalinta Ganacsatadda Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa wax u dhoofiya.

Waxaa uu tilmaamay in ay muhiimad gaar ah siin doonaan ganacsatadda dhoofisa wax soo saarka dalka.