XOG: Farmaajo oo ugu Dambeyn helay Shaqsiga uu u Magacaabayo Taliyaha nabad sugida

142

Xog gaara oo ay heshay Wakaalada Daljire.com ayaa sheegeysa in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu Taliyaha cusub ee Nabad sugida Soomaaliya u magacaabayo Xuseen Cismaan Xuseen ‘Xuseen uur­kuus’.

Taliye Xuseen ayaa iska casilay Xilkan Taliska NISA kadib markii uu ku dhawaaqay inuu u tartamayo Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed, tan iyo markaasna Madaxweyne Farmaajo ma magacaabin Taliyaha Nabad sugida.

Sarkaal ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya oo Xogtan la wadaagay Daljire.com ayaa sheegay in Wada tashiyadii ugu dambeeyay Madaxweynaha dalka uu la yeeshay madaxda dalka, iyadoona la isku afgartay in Taliyihii hore dib loo soo celiyay.

Xuseen Cismaan Xuseen oo loo yaqaan ‘Xuseen uur­kuus’ ayaa xilal kasoo qabtey dowladii AHN Cabdulahi Yusuf Madaxweynaha ka ahaa isagoo xukuumada Madaxweyne Farmaajo ka hayey shaqada wasiir ku xigeenka caafimaadka. Madaxa cusub ee NISA ayaa ka mid ah xildhibaanada aqalka hoose ee Barlamanka Federaalka Soomaaliya.

Uurkuus oo haysta dhalashada wadanka Canada ayaa waxaa saaxada siyaasada soo galiyey Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed isagoo heer Jamaacadeed ka gaarey Waxbarshada.

Jaamacadaha uu soo dhigtey ayaa ku kala yaala dalalka Kenya, Romania iyo Canada.