Faah faahin Meydka Gabar Yar oo lagu arkay Xaafad ka tirsan Gaalkacyo

232

Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa lugu Aarkay saaka Meydka Gabar Yar laga helay Xaafad ka tirsan Magalada Gaalkacyo,taas oo si xun loo dilay.

Gabadha Yar ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Caaisha Ilyaas Aadan,waxaana la sheegay in la dhigay Gurigooda Hortiisa,isla markaana maalmahaan ay Reerkeeda ka maqneyd oo ay baadi goobayeen.

Goob joogeyaal  ku sugan Gaalkacyo ayaa waxa ay sheegayaan in Meydka Gabadha Yar oo jirkeedu uu ka muuqdo jirdil xoogan la geeyey Isbitaalka Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Weli macada sababta Gabadhaasi yar loo dilay iyo cidda ka dambeysay dilkeeda,waxaana dhacdadaas Maanta aad looga hadal hayaa Guud ahaan Magalada Gaalkacyo.

Daljire.com

Caligaab34@gmail.com