Mas’uul Katirsan Mid ka mid Ah Degmooyinka Muqdisho Oo La Toogtay & Wararkii Ugu Dambeeyey

238

Koox Hubeysan ayaa waxay weerar ku qaadeen Sargaal katirsan Maamulka Degmada Heliwaa Ee Muqdisho iyadoo la dhaawacay Mas’uulkaasi.

Weerarka ayaa ka dhacay Xaafada Carte Ee Degmada Heliwaa,waxaana lagu dhaawacay Haashim Maxamed Salaad oo ah gudoomiyaha Waaxda Barwaaqo iyadoo Askari la socday sidoo kale uu dhaawacmay.

Kooxda weerarka geysatay oo bistoolado watay ayaa baxsaday waxaana daqiiqado kadib gaaray Ciidamo katirsan Dawlada Soomaaliya.

Dadka deegaanka ayaa kuwaramay in Xaaladu ay muddo aheyd mid kacsan balse jawiga uu kusoo noqday jawigii caadiga ahaa.

Al Shabaab ayaa inta badan sheegta weerarada qorsheysan Eek a dhaca Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Somaaliya.