Ganacsato Reer Galmudug Ah oo kudhintay Gaari Shil Kugalay Gobalka Galgaduud

137

Daljire.com– Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in Shil Khasaare geystay uu ka dhacay inta u dhaxeysa degmooyinka Guriceel iyo Matabaan ee maamulka Galmudug.

Shilkaan ayaa waxaa ku dhintay labo ruux, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay labo kale sidda ay sheegeen Mas’uuiyiin ka tirsan maamulka Galmudug.

Xaaji Nuur Daahir Kaariye iyo Maxamed Yuusuf Fiidow oo ka mid ahaa Ganacsatadda sidda weyn looga yaqaano deganada maamulka Galmudug ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen Shilkaasi.

Gaariga ay saarnaayeen ayaa kusii jeeday degmada Guriceel, waxaana uu ka baxay degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, waxaana la sheegay in uu Gadoomay gaariga.

Daljire.com

Caligaab34@gmail.com