Madaxweyne Xaaf Dowlad Kufashilantay Suuqa Bakaaraha Canshuurta Ay AL-shabaab Kaqaado Galmudug waxba kama qaadi karto

207

Daljire.com-Madaxweynaha  Dowlada Galmudug oo Caawa Kulan afur Iyo Is xog wareysi ah layeeshay Jaaliyada Galmudug ee Dalka Kenya ayaa kahadlay sababta  Galmudug Duulanka Ay ugu tahay Dowlada Farmaajo

Waxa uu sheegay Dowladiisa Ayku Guulaysatay Nabadaynta Gobalka mudug iyo Dib uheshiisiinta Galmudug

Xaaf waxa uu rajo kamuujiyay Dhamaystirka Dib uheshiisiinta Galmudug iyo dhamaynta Khilaafka siyaasaded ee Galmudug

Asagoo Kahadlayay Shirkii Garoowe waxa uu sheegay in ay dowlada Farmaajo Diiday in Ay mamulada laheshiido

Waxa uusheegay In farmaajo kufashilmay Hogaaminta soomaliya Sida amniga Doorashooyinka Wada shaqeynta Dowlad Gobaledyada iyo Xiriirka Calami gaah

Madaxweyna Galmudug Xaaf waxa uu sheegay in ALshabaab Ay suuqa Bakaaraha ay canshuurta kaqaataan Dowladuna aysan waxba kaqaban karin

Mudane Xaaf ayaa  isweydiiyay su.aal Kusaabsan Xukuumada Farmaajo ee Amniga madaxtooyada Ku guuldaraysatay Waxay galmudug kaqaadi karto

Waxa uuna Kugoodiyay Difaac iyo Wax iska caabin Lagala Hortago Kooxda Galmudug Duulaanka Ku ah

Madaxweynaha Galmudug oo kahadlay Arinta Dekada Hobyo waxa uu sheegay In dowlada Faderaalkaah ay Caqabad kunoqotay dhismaha Kaabayaasha  dhaqaalaha Galmudug sida Dekada Hobyo iyo Maal gashiga Galmudug

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo Beegmaya Xili Xalay Farmaajo uu sheegay in Xaaf Ducaale uu diiday waxa uu ugu yeeray Kaniini Lugu Daweeyo Cudurka Siyaasadeed ee xaaf Hadalkaas oo ay Durba kafal celiyeen shacabka Galmudug Kuna Tilmaameen Gaf Iyo Gardaro Qaawan oo Farmaajo uu galmudug kubeegsaday

Kulanka ay sooqaban qaabiyeen Jaliyada Galmudug Iyo Dadka jecel Horumarka Galmudug Caasimada Dalka kenya ayaa Diirada Lugu Saaray midnimada iyo Dib uheshiisiinta Galmudug

Daljire.com

Caligaab34@gmail.com