Qarax gaari oo ka dhacay Muqdisho iyo Shaqsi la sheegay in loo qabtay

44

Gaarigaan oo ah nooxa raaxada ayaa ku qarxay agagaarka Shineemo Soomaali oo u dhow isgoyska Shaqaalaha ee Wadada Maka Al-Mukarama ee gobolkan Banaadir.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay degmooyin ka tirsan gobolkan Banaadir,waxana gaariga uu ahaa mid qaraxa lagu dhejiyey xilli uu goobta yaallay,waxana weli la cadeyn khasaaraha ka dhashay qaraxaas iyo Shaqsiga lahaa Gaariga qaraxa lagu xiray.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in qaraxa ka hor Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay qabteen Shaqsi la sheegay in gaariga uu qaraxa ku dhejinayay,isla markaana la geeyey mid ka mid ah xarumaha Baarista ee Ciidamada.

Qaraxa kadib Ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay,kuwaas oo mudo hakad geliyey isku-socodka dadka iyo Gaadiidka,wallow markii dambe ay dib u fureen.