Xog: Puntland oo diidday in shidaal laga soo saaro Koonfurta Soomaaliya?

66

Shirkii Garowe ee fashilmay ayaa ahaa shir looga gol lahaa in heshiisyo hor leh laga gaaro sharciyada qaybsiga Khayraadka, Doorashada, iyo Galmudug.

Iyadoo lawada ogsoon yahay in Baydhabo heshiis lagaga gaaray qobobadda Doorashada iyo qaybsiga Khayraadka, waxaa isweydiin mudan sababta maamulka Puntland uu markale caqabad hor leh miiska u soo saaray marka ay noqoto sharciga kheyraadka iyadoo raali ka aheyd heshiiskii Shidaalka ee Baydhabo lagu saxiixay?

Puntland ayaa u aragta sharciga shidaalka Soomaliya caqabad mustaqbalka kusoo fool leh una baahan in ay ka hortagto maadaama Puntland aysan kamid ahayn maamul goboleedyada xeebahooda laga sahmiyay shidaa.

Sida shirkii London lagu iftiimiyay  shidaalka ugu badan  ayaa ku jiro xeebaha Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed, waxaana sharciga shidaalka u oggolaanayaa in maamulada laga soo saarayo ay ka helaan 45% dakhliga kasoo xarooda ayna u madax banaan yihiin in ay ku hormariyaan deegaannadooda.

Saamiga shidaalka ay ka helayaan maamul goboleedyada ayaa ka dhigaya in ay noqdaan deegaano hodan ah, kana hormarsan maamulada kale ee aan shidaalka laga soo saarin islamarkaana ay suurtagal tahay in siyaasadda Soomaaliya ay salka dhigato gobolada dhaqaalaha badan leh sida kajirta wadamada Federaalka ah ee soo saara shidaal, shidaalka xeebaha Soomaliya laga filayo ayaa ah cadad kufilan inuu daboolo baahida dhaqaale ee ka jirta xilligan.

Cabsida Puntland ay ka qabto ayaa ah in awoodaha dhaqaale iyo tan siyaasadeed ay ka helayaan maamul goboleedyada shidaalka leh ayaa wiiqaya sameynta siyaasadeed ee maamulka Puntland ku dhex lahayd mudooyinka lagu guda jiro dhismaha qaranka iyo qorista Dastuurka Federaalka, awoodaha ku hoos jira dhaqaalaha laga helo shidaalka ayaa qasab ka dhigaya in DFS u dhaga nuglaato talooyinka ay soo jeediyaan maamulada shidaalka laga soo saarayo.

Dowladda Federaalka ayaa u muuqata mid fahamtay muhiimadda xiriirka maamul goboleedyada xeebahooda laga filayo in shidaal laga soo saaro islamarkaana dhegaha ka fureysatay talooyinka ka imaanayay maamulka Puntland oo ahaa in lajoojiyo sharciga shidaalka ee lahor geynayo Baarlamaanka Federaalka ama in maamul goboleedyada ay si siman u helaan daqliga ka yimaada shidaalka xeebaha Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed, taas badelkeedana waxay Dowladda Federaalka u gudbisay Baarlamaanka Federaalka sharciga shidaalka intii lagu guda jiray qaban qaabada shirkii Garowe.

Inkastoo Puntland ku dadaalaysay in ay maamul goboleedyada dalka ka dhisan u noqoto indhaha siyaasadda ay dowladda dhexe ku arkaan weliba ku qanciso in maamul goboleedyada ay Dowladda Federaalka hordhigaan shuruudo hor leh ee ka hor imaanaya heshiisyadi hore loo wada gaaray iyo qorshaha kala guurka ee Dowladda Federaalka dajisay 2020-ka, waxay Puntland badeshay qorshaheedii hore fashilka shirkii Garowe Kadib isla markaana siyaasad wajiyo badan ah la timaaday sida isbahaysiga sedexda Maamul Goboleed ee Garowe lagu hindisa kadib markii uu burburay shirkii Garowe.

Seddexda maamul goboleed ee udub-dhexaadka u ah dhismaha dowladnimada Soomaaliya ayaa ah maamulo aanan ku baraarugsanayn muhiimadda iyo qiimaha siyaasadeed iyo dhaqaale ay leeyihiin islamarkaana ay u dheertahay duruufo curyaamiyay dhinacyada Maamulka, amniga, iyo dhaqaalahaba, taa oo ay u sii dheer tahay khilaaf iyo kala qayb-sanaan ka dhexjirta sida labada garab ee Galmudug, sedexdan maamul midna ma yagleelin maamul fadhiya dadkiisuna ku uur-san yihiin iyo kalsooni la,aan ay ku qabaan dadka ay matalaan, maamuladan ayaanan u samayn deegaannadooda geed fadhi siyaasadeed ku shaqeeya talo wadaag ay ku dhanyihiin yihiin dadka kunool deeganadooda.

Ayaan darrada dheeraadka ah ee ku habsatay maamulka Galmudug ayaa sababtay in ay quus ka taagan yihiin dadkeeda si xal mideeysan ugu helaan is mariwaaga siyaasadeed ee Dhuusamareeb iyo Cadaado taas oo u horseedday in dadka kunool Galmudug aaney helin Madax u beerlaxawsata horu’mar la’aanta haysata shacabkeeda deegaankaba ama diyaar u ah tanasul loo sameeyo danaha shacabka kunool deegaanadaas, waxaana taas caddeyn u ah go,doonka ay gashay Galmudug iyo Jaha-wareerka ka muuqda hogaamadeeda.

Gunaanad.

Fashilka shirkii Garowe wuxuu fursad hor leh siinayaa, shacabka seddexdan maamul gaar ahaan xildhibaanada, siyaasiyiinta, aqoonyahannada kasoo jeedda maamul goboleed ee kala ah, Galmudug, Hirshabeele iyo Koonfur Galbeed, in ay taageeraan ansixinta sharciga shidaalka ee horyaala baarlamaanka fedraalka si ay u helaan dakhli ay ku hormariyaan dadkooda iyo deegaanadooda islamarkaana ilaashadaan xuquuqaha Dastuuriga ah oo ay ugu weyn tahay saamiga ay ku leeyihiin dakhliga ka imaanaya Shidaalka laga qodayo xeebaha deeganadooda.

Shacabka kunool maamulada Hirshabeele, Koonfur Galbeed iyo Galmudug waxaa waajib ku ah in ay hurdada ka kacaan isla markaana u soo jeestaan kawar qabka xaaladda adag ee maamuladooda ku sugan yihiin muhiimna ay garab istaagga madaxdooda weliba laqurxiyaan talada hoggaankooda islamarkaana ka samatabixiyaan dhibaatooyinka haysta maamulada u dhisan, kana hortagaan dabinnada siyaasadeed ee haadaanta ka tuuraya mustaqbalka shacabka ku nool deegaanadaas isla markaana la jaan-qaadaan qaran dhiska loo igmaday Dowladda Federaalka.

W/Q: Abdirizak Yusuf Gure

Daljir.ccom

Caligaab34@gmail.com