Daawo Sawirrada:-Qaraxii Hotelka Cas-Caseey Iyo Burburka Gaaray

109

Waxaa shalay weerar xoogan lagu qaaday Hotelka Cas-Caseey oo kamid ah Hotelada ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah dowlad Goboleedka Jubbaland.

Hotelka ayaa waxaa soo gaaray Burbur xoogan oo ka dhashay weerarkii shalay gelinkii dambe ay ku qaadeen rag hubeysan oo ka tirsan Dagaalamayaasha Al-shabaab,kuwaasi oo ka dhex dagaalamayay gudaha Hotelka 15 saacadood oo xiriir ah.

Sawirro laga soo qaaday Hotelka Cas-Caseey ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka muuqda burburka soo gaaray,waxaana Cas-Caseey uu yahay mid siweyn loo ilaaliyo amnigiisa.

Weerarkaas ayaa waxaa ku geeriyooday 26 qof,halka 56 kalena ay ku dhaawacmeen oo ay ku jiraan dad heysta dhalasho shisheeye ah sida uu shaaciyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

War qoraal ah oo lagu faafiyay baraha Intetnet-ka Al-shabaab ay ku leeyihiin ayaa waxaa ay ku sheegteen Mas’uuliyada Weerarkii lagu qaaday Hotelka Madiina ee ku yaalla Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.