Faah faahin Qarax Ismiidaamin Ah Oo Goor Dhow Ka Dhacay Dhuusamareeb

123

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaa in halkaasi Goordhow uu ka qarax Ismiidaamin ah.

Jugta qaraxa ayaa waxaa la sheegay in laga maqlay qeybo kamid ah Magaalada Dhuusamareeb,isla markaana waxaa uu sigaar ah uga dhacay goob Maqaayad ah oo ay fariisan jireen Mas’uuliyiin ka tirsan Galmudug.

Maqaayada uu qaraxu ka dhacay ayaa  waxa ay ku taalla afaafka hore ee Xarunta Madaxtooyadda Dhuusamareeb,waxaana qaraxa kadib la arkay qiiq iyo Uuro.

Wariyaha Daljire.com ee Magaaladda Dhuusamareeb ayaa waxaa uu soo sheegayaa inuu jiro Khasaaro ka dhashay qaraxaas,isla markaana waxaa halkaasi gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Galmudug oo xiray Aaga uu falka ka dhacay.

Inta laxaqiijiyay Labo qof ayaa dhawac soogaaray

Daljire.com

Caligaab34@gmail.com