Xog; General Indhacade oo Qaraxii Maanta ee Moqdisho Ka bad baaday iyo Askartiisii oo Lugu laayay

65

Qaraxaas ayaa ahaa mid warar dheeraad ah kasoo baxayaan,iyadoo dhimashada iyo dhaawaca uu badan yahay.

Dad Xajka inay aadaan doonayey ayaa ku le’day Qaraxa,sidoo kale Askar badan ayaa ku baaba’ay.

Al Shabaab inkastoo war kasoo saareen weerarkaasi oo ay goobta ku laayeen askar fariisinta joogay hadana xogo kale ayaa la helayaa.

Warqaad ayaa heshay xog ka hadleysa in Qaraxaasi ay ku le’deen askarta ilaalada u aheyd General Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cade) oo safka baabuurtiisa ay ku jireen gaariga qarxayna uu gadaashooda taagnaa.

Indha cade ayaa la sheegay inuu ka bad baaday qaraxaasi,kaas oo maanta shir kaga qeyb geli lahaa Hoteelka Afriik ee Muqdisho

Genaral indhacade ayaa kamid ah Dadka Mudooyinkii Danbe aan ladhacsanayn siyaasada Farmaajo ee Lugu Hogaaminayo  Dalka somalia waxa uuna dhawaan shir uga qayb galay Magalada Hobyo Halkaas oo Beesha uu kasoojeedo shir uga furmay

Daljire.com

Caligaab34@gmail.com