Bosaaso:- dhalinyaro lagu eedeeyay dhac oo Xukun lagu riday.

69

Maxkamadda Derejada kowaad ee degmada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa xukun ku riday laba dhalinyaro ah oo ku eedaysan, in ay dhac iyo furasho u gaysteen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Labada eedaysane ayaa sida maxkamaddu sheegtay, waxaa lagu helay in ay gudaha Boosaaso dhac iyo furasho ugu gaysteen dad shacab ah, waxaana maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay Alwaax-macmal ah oo ay u ekaysiiyeen qoryaha fudud.

Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1 aad ee Magaaladda Boosaaso Abukar Cabdinuur Jaamac ayaa ku dhawaaqay Go’aanka Maxkada ee bada eedaysane.

Eedaysanaha kowaad, Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Awoowe) ayaa maxkamaddu ku xukuntay saddex sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah.

Eedaysanaha labaad, Faysal Cabdinaasir Cabdullaahi ayaa isna maxkamaddu ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay sheegtay in ay jiraan eedaysanayaal kale oo aan weli la horkeenin, iyadoo ka dalbatay xeer-ilaalinta in si dhakhso ah loo horkeeno eedaysanayaash maqan.

Shacabka Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa maalmahaan dambe ka cabanayay dhalinyaro bastoolado iyo Midiyo ku hubaysan oo habeenkii dhac bareer ah ka gaysta Xarunta Gobolka Bari.