Home Blog

Bosaaso:- dhalinyaro lagu eedeeyay dhac oo Xukun lagu riday.

Maxkamadda Derejada kowaad ee degmada Boosaaso ee Gobolka Bari, ayaa xukun ku riday laba dhalinyaro ah oo ku eedaysan, in ay dhac iyo furasho u gaysteen qaar kamid ah shacabka ku dhaqan magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Labada eedaysane ayaa sida maxkamaddu sheegtay, waxaa lagu helay in ay gudaha Boosaaso dhac iyo furasho ugu gaysteen dad shacab ah, waxaana maxkamadda horteeda lagu soo bandhigay Alwaax-macmal ah oo ay u ekaysiiyeen qoryaha fudud.

Guddoomiyaha Maxkamada darajada 1 aad ee Magaaladda Boosaaso Abukar Cabdinuur Jaamac ayaa ku dhawaaqay Go’aanka Maxkada ee bada eedaysane.

Eedaysanaha kowaad, Cabdiraxmaan Cali Maxamuud (Awoowe) ayaa maxkamaddu ku xukuntay saddex sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah.

Eedaysanaha labaad, Faysal Cabdinaasir Cabdullaahi ayaa isna maxkamaddu ku xukuntay laba sano oo xarig ah iyo saddex boqol oo Dollar oo ganaax ah.

Sidoo kale, maxkamaddu waxay sheegtay in ay jiraan eedaysanayaal kale oo aan weli la horkeenin, iyadoo ka dalbatay xeer-ilaalinta in si dhakhso ah loo horkeeno eedaysanayaash maqan.

Shacabka Magaaladda Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa maalmahaan dambe ka cabanayay dhalinyaro bastoolado iyo Midiyo ku hubaysan oo habeenkii dhac bareer ah ka gaysta Xarunta Gobolka Bari.

GAAS oo fariin culus u diray Farmaajo iyo Khayre Kuna Tilmaamay in ay Dalka Burburinayaan

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas Madaxweynihii hore ee Puntland oo wareysi gaar ah siiyey VOA ayaa ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan sida ay shalay dowladda ula dhaqantay Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu horreyn Gaas ayaa nasiib darro ku tilmaamay tallaabadaasi, wuxuuna sheegay in madaxdii hore ay mudan yihiin in la ixtiraamo, islamarkaana loola macaamilo si degan.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka, gaar ahaan Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre inay dajiyaan xaaladda siyaasadeed ee haatan ka jirta dalka.

“Waa ka xumahay runtii waxa dhacay, horayna u dhacay, maantana dhacay waa nasiib darro, Madaxweynayaasha dalka ayay soo xukumeen, in la ixtiraamo ayay mudan yihiin qof kasta oo soomaali ka mudan yihiin, waqti adag bey wadankaan u soo shaqeeyeen oo Madaxweynayaal u soo ahaayeen.”ayuu yiri Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Ugu dambeyn wuxuu dowladda kula taliyey in ay keento qorshe lagu xasilin karo xiisada jirta hadda, si loo yareeyo shidada haatan taagan iyo is mari-waaga siyasaadeed ee u dhexeeya madaxda dalka iyo mucaaradka.

“Sideedaba haddii aniga siyaasadda wax un ka bartay Soomaaliya, waxa weeye wadanka haddii ay shido jirto, shidada jirto waa la yeeraa, haddii ay badan tahay waa la yareeyaa, haddii ay yar tahay waa la baaba’iyaa, laakiin maalin walba shido cusub la abuuro oo aan horay u jirin oo gacmahaga ku falkisaa adiga ayay dib kugu soo laabaneysaa dhib ayay keeneysaa dalka u keeneysaa, maamulkaagana u keeneysaa”ayuu yiri C/weli Gaas.

Shalay ayey markale is qabteen madaxda dowladda iyo Madaxweynayaashii hore ee dalka oo booqasho ku tegay Beledweyne, inkastoo dowladdu lagu eedeeyey in ay siyaasadeysay socdaalkaasi oo sababay xiisado hor leh oo u dhexeeya labada dhinac.

Maamulka degmada Mahadaay oo baaq deg deg ah soo saaray

Guddoomiyaha degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha dhexe, mudane, Axmed Xuseen Afrax oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dadkii ka barakacay fatahaada webiga Shabeelle uu ku sameeyay degmada iyo deegaanada hoostaga ay heysato dhibaatooyin badan oo dhanka nolosha ah.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in dadkaas ay soo wajahday hoy la,aan,Cunno yari iyo Caafimaad darro,isagoo Guddiga gurmada Fatahaadaha ee ay magacaawday XFS ugu baaqay in dadkaas ay gargaar deg deg ah soo gaarsiiyaan maadaama dowlada Soomaaliya ay arrintaas u wakiilatay guddiga.

Axmed Xuseen Afrax,Guddoomiyaha degmada Mahadaay ayaa sidoo kale hay’adaha gargaarka iyo qurba joogta ka soo jeeda degmada ugu baaqay in ay ka qeyb qaataan gurmadka lagu bad baadinayo nolosha dadka danta yar ee ay fatahaadu ku saameysay degmada iyo deegaannaa hoostaga oo qoysas badan ay ka barakaceen.

Degmada Mahadaay iyo deegaanno badan oo hoostaga ayaa waxaa saameyn xooggan ku yeeshay fatahaada uu sameeyay webiga Shabeelle,iyadoo dadki ka barakacay ay u baahanyihiin gargaar deg deg ah.

Diyaaraddii Xasan iyo Shariif oo loo diiday inay ka degto Beledweyne

Wararka hadda naga soo gaarayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Hiiraan ayaa sheegayaa inay dib usoo noqotay diyaaraddii siday wafdigii ay hoggaaminayeen Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya inay diyaarada dib usoo noqotay waqtigii ay dagi laheyd kadib markii laga dansaday Raadeerka Garoonka Diyaaradaha Beledweyne sida ay sheegeen qaar ka tirsan Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in Diyaaradda laga dansaday Raadeerka isagoo soo xiganayo Xildhibaan ku sugan garoonka Diyaaradaha Magaalada Beledweyne.

Halkaan hoose ka akhriso qoraalka uu kusoo qoray Facebook

Diyaaradii siday Madaxweyneyaashii hore ayaa la sheegayaa in loo diiday in ay ka degto airport ka Beledweyne!

Xildhibaan Golaha Shacabka katirsan oo airport ka ku sugan oo aan la hadlay wuxuu ii sheegay in RAADEERKA diyaarada laga hagayay laga dansaday markii diyaaradu ay dagi rabtay!

Isbitaalka degmada Bardaale oo xirmay & sababta oo la shaaciyey

Degmada Bardaale ee Gobolka Baay ayaa waxaa kusoo rogmaday daadad ka dhashay Roobkii deyrta oo ka da’ay deegaano katirsan gobolka Baay,waxaana uu saameeyey qeybaha kala duwan ee Bulshada iyo adeegyadii degmadaas.

Badi dakii ku noolaa degmada Bardaale ayaa u barakacay duleedka degmadaas,waxaana sidoo kale xirmay oo ay biyo xireen Isbitaalka degmada Bardaale oo aan xilligaan Shaqeyn.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo booqasho ku tegay Bardaale ayaa sheegay in Isbitaalka Bardaale ay biyo buux dhaafiyeen,isla markaana xilligaan uusan Shaqeyn.

Gurmadyo kala duwan ayaa la gaarsiinayaa dadkii ka barakacay daadadka ka dhashay roobabka ee degmada Bardaale ee Gobolka Baay,kuwaas oo ku sugan duleedka degmadaas.

Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo ku wajahan Beledweyne

Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ku wajahan gudaha magaalada Beledweyne xarunta gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Wafdigan oo matalaya Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxaa hoggaaminaya, Sheekh Shariif oo ah guddoomiyaha Madashaasi, iyagoona dhowaan ugu deeqay dadka ay saameeyeen fatahaadaha lacag gaareysa 200,000 oo Doller-ka Mareykanka ah.

Ujeedka socdaalka labada Madaxweyne ee hore ayaa ah sidii ay u kuur gali lahaayeen xaaladaha nololeed ay ka jira Beledweyne iyo siduu  u saameeyey wabiga Shabelle.

Sidoo kale waxaa ay la kulmi doonaan madaxda sare ee HirShabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, si ay uga xog wareystaan dhibaatooyinka adag ee ka jira halkaasi.

Waa socdaalkii ugu horreeyay oo mas’uuliyiintan ay ku tagayaan Beledweyne, tan iyo markii daadad xoogan ku dhufteen magaaladaasi, inkastoo todobaadkii hore uu dib u dhacay safar ay ku tagi lahaayeen halkaasi, kadib roobab ka da’ay Beledweyne.

Arrintan ayaa qeyb ka ah dadaallada xoogan ee loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen fatahaadaha ee ku dhaqan magaalooyinka Beledweyne iyo Bardaale oo ka kala tirsan gobollada Hiiraan iyo Baay ee maamullada HirShabelle iyo Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xaaladda labaasi degmo oo daadad xoogan ay ku dhufteen ayaa muddooyinkii dambe laga deyrinayey, iyadoona inta badan ay ka barakaceen qoysaskii daganaa halkaasi.

Khayre oo weerar culus ku qaaday dhammaan madaxdii talada kaga horreysay

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre oo ka qeyb galayey kulan ka dhacay xarunta Villa Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa weerar afka ah ku qaaday siyaasiyiinta Soomaalida, gaar ahaan madaxdii isaga kaga horreysay talada dalka.

Khayre ayaa sheegay in markii isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay la wareegeen xafiiska ay u yimaadeen hab dhaqan siyaasadeed oo aad u xun, islamarkaana ka duwan hab dhaqanka siyasaadeed ee ka jira caalamka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xilligaasi la aaminsanaa in siyaasadda lagu raadiyo dan gaar, laguna lunsado dhaqaale, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan u nimid dhaqan ah in la aaminsan yahay inay siyaasadu tahay wax dan gaar ah lagu raadsado, halkan waxaan ugu nimid dhaqan la yiraahdo aan siyaasi noqdo, si aan wax u helo ” ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre.

Waxa kale oo uu Ra’iisul wasaaruhu sheegay inay ceeb aheyd in la’isla xisaabtamo, iyo in la wada shaqeeyo, si loo hormariyo dalka.

Ugu dambeyn wuxuu tilmaamay in dhammaan ay bedaleen hab dhaqamadaasi, islamarkaana laga gudbay dhibaatooyinkii jiray, haatana dowladda Soomaaliya ay la jaan aadeyso siyaasad ahaan dowladaha asaageeda ee ka jira dalalka caalamka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo maalmihii dambe madaxda dowladda ay eedeymo xoogan kala kulmayeen Madaxweynayaashii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Maxaa ka jira in dowladda dhexe ay Ciidamo si qarsoodi ah uga qoratay Waqooyiga Gaalkacyo?

Gudoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Puntland Axmed Muuse Nuur ayaa beeniyay in ay jiraan Ciidamo dowladda dhexe ee Soomaaliya ay si qarsoodi ah uga qoratay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Waxaa uu sheegay in Wararkaasi yihiin been abuur ,islamarkaana aysan jirin hub iyo Ciidan lagu wareejiyay dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Waxaasi wax jira maaha ciidana lagama qoran gobolka Mudug, colaad Federaal iyo Federaal ku soo duulayna ma jiro” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur .

Annaga heer gobol xiriir lama lihin dowladda Federaalka ah, xiriir waxaan la leenahay dowladda aan ka tirsanahay, xiriirka Federaalkana waxaa leh xukuumadda sare ee ilaa heer madaxweyne ah” ayuu mar kale yiri.

Waxa kale oo uu sheegay in xukuumadda Federaalka aysan ciidamo ka qoran Karin gobolka Mudug ilaa Puntland iyo Villa Somalia ka heshiiyaan arrimaha siyaasadeed ee ay ku mursansan yihiin.

Xildhibaan shaaciyey ballan uu Farmaajo ka qaaday dadka Muqdisho balse ka baxay

Xildhibaan Cabduqaadir Cosoble oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa sheegay in dadka ku nool Gobolkan Banaadir aysan wax xaquuq ah ka heysan dowladda Federaalka, isla markaana dowladda ay u sameyn la’dahay maamul u gaar ah.

Cosoble ayaa sheegay in xilligii doorashada uu Madaxweyne Farmaajo u balan qaaday in Maamul gaar ah uu u sameyn doono Muqdisho, hase yeeshee uusan fulin balantaas, waxaana uu ugu baaqay in uu madaxweynaha uu fuliyo balantii uusameeyey.

“Madaxweynaha Xildhibaano kasoo jeeda Muqdisho ayuu yiri I doorta Banaadir State ayaan ku dhawaaqayaa laakin ma fulin, marka in dadka Muqdisho laga dabageeyo ma fiicno lana yiraahdo dowladnimada dhowra wixii kasoo baxana anagaa leh ayuu yiri” Xildhibaan Cosoble.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dadka Muqdisho aan lagu kalifin inay dhib ka shaqeeyaan oo ay u guuraan Ceelasha Biyaha ee xaquuqdooda haka helaan dowladda oo hala siiyo.

Dadka Muqdisho ayaa ah dadka kaliya ee ay ku tiirsan tahay dowladda Soomaaliya, oo biilata canshuurta laga qaado iyo dakhliga kasoo xarooda dekeddooda, hase yeeshee wax xuquuq ah kuma laha dowladda haba yaraatee.

Donald Trump Oo Lagu Ganaaxay Lacag Dhan Laba Milyan Oo Doollar

Xaakim fadhiya Magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ku amray Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump in uu bixiyo ganaax lacageed oo dhan 2 milyan oo doolar, maadaama uu si khaldan u isticmaalay lacag ay lahayd hey’ad gargaar oo uu isaga leeyahay.

Lacagtaas ayaa Madaxweyne Trump la sheegay in uu u adeegsaday ololihiisa doorashada ee sanadkii 2016-ka.

Hey’adda Donald J Trump Foundation ayaa la xiray sanadkii 2018-ka, kadib markii xafiiska dacwad oogaha Mareykanka uu ku eedeeyay in ay ka shaqeyso danta Madaxweyne Trump.

Garsooraha maxkamadda ayaa sidoo kale amray in hey’addan oo ay madax ka yihiin Madaxweyne Trump iyo saddexdiisa caruur aanan loo adeegsan karin arrimo siyaasadeed, waxaana uu intaa raaciyay in lacagtaas ganaaxa uu Madaxaweynaha jeebkiisa ka bixiyo.

“Waxaan Trump ku amrayaa in uu bixiyo lacag dhan laba milyan oo doolar, lacagtaas oo haddii ay taali lahayd loo adeegsan lahaa hawlo gargaar,”ayay go’aamisay garsooraha maxkamadda.

Waxaa kale oo ay garsooraha sheegtay in lacagtaas farta laga saaro sideed hey’adood, kuwaas oo aan wax xiriir ah la lahayn Madaxweyne Trump, kana madaxbanaan.

Madaxweynaha ayaay sidoo kale maxkamaddu sheegtay in uu gabay mas’uuliyadii saarneyd, maadaama lacagtaas deeqda ah ee loogu talo galay dadkii usoo halgamay Mareykanka loo adeegsday doorashadii is-rebreebka ee sanadkii 2016-ka ka dhacday Mareykanka.

Xeer ilaaliyaha guud ee Mareykanka, Letitia James ayaa sidoo kale sheegay in caruurta uu dhalay Madaxweyne Trump ee kala ah Donald Trump Jr, Eric Trump iyo Ivanka Trump oo ka mid ahaa maamulka hey’adaas haatan laga doonayo in ay qaataan tababar qasab ah oo ku saabsan maareynta maamulka hey’adaha.

In lacagat uu biixyo Madaxweynaha ayaa ah xalka ugu dambeeya ee dacwaddan oo ay soo gudbiyeen xafiiska dacwad oogaha Mareykanka, hasayeeshee Madaxweyne Trump iyo qareenkiisa ayaa ku dooday in arrintan ay tahay mid siyaasadeysan, waxaana uu ku eedeeyay in ay ka dambeeyaan siyaasiyiinta xisbiga Dimuqraadiga oo uu sheegay in ay sameynayaan waxwalba, si ay isaga u dacweyaan.

Al-Shabaab oo ciidan badan ku daabushay Sh/Hoose

Ururka Al-Shabaab ayaa waxa ay dhaq dhaqaaq Ciidan oo xoogan ay ka wadaan deegaano ka tirsan Gobolka Shabellaha hoose, kadib markii Ciidamada dowladda iyo...

Madaxweynihii hore ee Puntland oo tallooyin siiyay madaxweynaha cusub ee Puntland

Kadib markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada madaxweynaha Puntland waxaa khdubado la siiyay masuuliyiin kale oo ku sugan goobta ku sugan. Saciid Cabdullaahi Deni Madaxweynaha cusub...

Sawirro;-Galkayo, 17 Dec 2018, Validation of Customary law for Galkayo joint Peace initiative

With the support of HD (The Centre for Humanitarian Dialogue), the Galkayo Joint peace committee has today held a meeting for many Galkayo residents...

Cilmi baaris laga sameeyay dadka sida joogtada ah u gala sawirrada kadibna soo dhigo...

Wargeyska DailyMail ee kasoo baxa Ingiriiska ayaa daabacay warbixin uu ka qoray cilmibaaris ay Jaamacadda Ohio ee dalka Mareykanka ka sameysay dadka sida joogtada...

SAWIRO:- Wasaaradda Beeraha Koonfur Galbeed Oo Martigalisey Shir Muhiim ah.

Wasaarada Beeraha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya Ayaa Magaalada Baydhabo Kuqabatey Shir Muhiim ah oo Kusaabsan Arimaha Beeraha. Shirkan Ayaa Waxaa Diirada Lagu saarayey Horumarinta Beeraha...

(SAWIRO) Dhaliyarada Baydhabo Oo Caawa Ciyaaradat Kadawaranayaan Hoelada

Caawa oo ah habeenkii ugu dambesay kulanka Finalaha World cup oo ay ciyarayaan  labada xul France iyo Croatia ayaa dhalinyarada magalada baydhabo waxey ciyaarta...

Jubbaland oo maanta Xukun dil toogasho ah ku riday Askari horay Xaaskiisa u dilay

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa Maanta ay xukun dil toogasho ah ku riday Cabdullaahi Aasad oo ka tirsanaa Ciidamada...